Xog:-Hal Sabab ayuu  Madaxweyne Guuleed Ku Lumin Karaaa Booska Madaweynaha Galmudug

Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo markuu la wareego xafiiskiisa ayaa soo magacaabi doono Raisulwasaaraha Cusub ee dowladdiisa, kaasi oo ay meel marin doonaan sharci ahaanshihiisa Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya.

Xilka Raisulwasaaraha Soomaliya waxaa xiligaan ku loomaya beelaha ugu saameynta Soomaliya oo Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya Maxamed C/laahi kula talinayo in beeshooda shaqsi ka socdo uu u magacaabo Xilka Raisulwasaaraha Soomaliya.

Warar soo baxaya waxay sheegayaan in masuuliyiin sarsare oo xilal kala duwan soo qabtay kana soo jeeda beeL weynta Habargedir ay doonayaan inay qabtaan xilka Raisul wasaaraha cusub ee dowladda Soomaaliya.

Haddii xilkaasi beesha Habargedir oo kamid ah beelaha Soomaliyeed la siiyaa waxaa murunka ugu xoogan uu ka imaan doonaa sii ahaanshaha madaxweynaha maamulka Galmudug oo hadda C/kariin Xuseen Guuleed uu yahay.

Madaxweyne Guuleed ayaana diidan inuu lumiyo booska uu iminka joogo oo Madaweynaha Maamulka Galmudug, isagoo ka door bidaya in xilkaasi loo magacabaa ruux kasoo jeeda beel kale oo aan Habargedir aheyn.

Muqdisho waxaa ka socda kulamo xasaasi ah Xafiiska Madaxweynaha Soomaliya waxaa la geeyay codsiyo kala duwan oo lagu dalbanaayo Xilka Raisulwasaaraha Cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya.

Beelaha kale ee doonaya  xilka Raisul wasaaraha Xukuumadda Soomaliya waxaa kamid ah beesha Murusade oo dooneysa iney xilkaasi qabtaan, Beelaha Abgaal ayaa dhankooda waxay wadaan dadaal ay markale ku noqonayaan raisul wasaaraha dalka oo ay ugu dambeysay xukuumadii Cabdulaahi Yuusuf Axmed, xiligaasi oo Cali Geedi laga dhigay Raisul wasaaraha dalka.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)