XOG: Hadaladii ugu dambeeyay ee Janan kahor inta aan loo dhaadhicin xabsiga

Shabakada  wararka Badweyn ayaa waxay heshay cod sir ah oo ku saabsan goortii Wasiirka Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Maxamed [Janan] laga qabatay garoonka Muqdisho, todobaadkii hore.

Codadka oo ay kasoo muuqdeen saraakiil sar-sarre oo ka tirsan bileyska Soomaaliya ayaa waxaa ka muuqday jahwareer ah, taasi oo aan suurtogelineyn in la aqoonsado magacyadooda.

Balse waxaa aad loo maqlayaa hadalka Janan, kaasi oo u muuqda mid aad u dhiiran, isla markaana aysan ka muuqan cabsi.

Janan oo aan wali maxkamad lasoo taagi balse ugu xiran xabsiga CIA-da “dambiyo culus” ayaa waxa uu u sheegayaa saraakiisha “in ay ka qoomameyn doonan” talaabadda ay qaadayaan.

Si lamid ah, wuxuu u sheegayaa in aysan ka heli doonin wax xog ah oo ku saabsan maamulka Axmed Madoobe, maadaama uu aad ugu dhow yahay madaxweynaha dib loo doortay Jubbaland.

Sidda laga soo xigtay codka, wasiirka ayaa waxa uu ku sheegay ujeedka socdaalkiisa Addis Ababa “arrimo qoys” maadaama ay halkaasi degan yihiin xubno kamid ah reerkiisa.

Sikastaba ha ahaatee, xariga Janan ayaa waxa uu meel xun gaarsiiyey cilaaqaadka sii xumaanaya ee Axmed Madoobe iyo dowladda dhexe, kaasi oo salka ku haya doorashadda dowlad goboleedkaasi.