XOG: Farmaajo oo Masuulkii ugu horeeyay xil u magacaabaya {Magac}

Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Maxmed C/llaahi Farmaajo ayaa Wada sida naloo xaqiijiyay Qorsho uu ku soo magacaabayo Maalmaha soo socda Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Villa Somalia.

Shaqsigan uu Madaxweyne Farmaajo la doonayo in Agaasimaha Madaxtooyada ayaa lagu magacaabaa Taabit Maxamed Cabdi waxaa uu horey u ahaa Ku xigeenka Agaasimaah Madaxtooyada Dowladii Xasan Sheekh.

Laakiin Taabit ayaa shaqadaas laga eryay wax yar kaddib markii ay isku dhaceen Agaasimaha iyo Kooxda Xasan Sheekh, Masuulkan ayaa hadda ah Ku Xigeenka Safiirka Dalka Mareykanka ahna Qunsulka Guud ee Safaaradda Magaalada Washington.

Masuulkan arrimaha Dibadda ka tirsan haddana loomagacaabi rabo Agaasimaha Madaxtooyadda ayaa waxaa uu shaashadaha ka soo muuqday kulan ay wada yeesheen Madaxweynaha Cusub, Xasan sheekh iyo Saraakiil Midowga Afrika ka tirsan.

Hadii ay dhacdo arrintan dad badan oo soomaaliyeed ayaa niyad jab uu ku dhacayaa oo ka niyad jabaya Madaxweyne Farmaajo waaye dadkan waa ku wii kala soo shaqeyay Olalihiisa waxaana loo arkayaa Abaal gud uu jagooyinka ugu taxayo.

Waxaana suura gal ah xogta aan helnaya ee ah in Taabit Maxamed Cabdi loomagacaabayo Agaasimaha Madaxtooyada ay wax iska bedesho Maadaama anagu xogta aan ka soo xiganay Saraakiil ku dhow dhow Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)