XOG: Dowladda Somalia oo Xabsiga dhigtay Saraakiil Militari oo Beesha Habar gidir doonayayna iney dagaal ugu aargudaan weerarkii C.C.Shakuur

Warar hoose oo ay heshay Baahin.com ayaa sheegaya in Dowladda Soomaaliya ay xabsiga dhigtay Saraakiil Ciidan oo la sheegay iney hogaaminayeen dagaal beeleed ka dhacay magaalada Muqdisho.

Saraakiisha Xabsiga la dhigay ayaa la sheegay iney ku heyb yihiin Siyaasi C/raxmaan C/shakuur oo Dowladda mucaaradsan,waxayna saraakiisha xabsiga la dhigay ka xumaayeen Weerarkii lagu qaaday guriga C/raxmaan shakuur laguna dilay 6-askari oo ilaalo u ahayd.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Militariga iyo Ciidamo hubeysan oo ka gadooday weerarkii C/raxmaan Cabdi shakuur qaab qabiilna u abaabulan ayaa gudaha Muqdisho soo galay,kuwaasi oo doonayay iney qaadaan dagaal looga jawaabayo weerarkii Siyaasiga lagu qaaday,waxaana arintaasi dhexda u galay oo arinta qaboojiyay Waxgaradka Beesha iyo Ugaaska Beesha Mudulood oo dib u celiyay Ciidamada.

Saraakiisha Xabsiga la dhigay oo tiradooda aan la shaacin ayaa xogta sheegeysaa iney hadda ku xiran yihiin xabsiga dhexe ee Xamar,halkaasi oo su’aalo lagu weydiinayo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay iney cafisay Mucaaradka Dowladda ka hojeeda,oo ay kala dan lahayd C/raxmaan C/shakuur.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay