Xog:-Dowladda Ethopia oo Taageero Siinaysa Kooxda Al-shabaab

Xog hoose oo ay heshay baahin.net ayaa waxay sheegaysaa in dowladda Itoobiya ay hadda waddo qorshe ballaaran oo ay ku hubeynayso Kooxda Al-shabaab.

Ilo muhiim ah ayaa inoo xaqiijiyey in Itoobiya ay saraakiil sar sare usoo xil saartay hubeynta Al-shabaab, si ay u xoojiyaan dagaallada ka dhanka ah dowladda Soomaaliya.

Itoobiya ayaa iyadoo nacaysa Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya mudane Farmaajo waxay doonayaan iney ku xoojiyaan dagaallada Al-shabaab si aan iyaga looga maarmin.

Waxay doonayaan iney Al-shabaab siiyaan hubka fudud sida rasaasta, Bambooyinka gacmaha, waxaana sidoo kale ay doonayaan iney wada hadal hoose la yeeshaan saraakiisha sare ee Al-shabaab.

Itoobiya oo taageersaneyd mid kamid ah musharraxiintii dalka hoggaamineysay ayaa markii ay waayeen wixii ay rabeen waxay go’aaan ku gaaareen iney iyaguna sii wadaan qaska ay ku hayaan Soomaaliya.

 


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)