Home WARARKA XOG Dhageyso: Wasiirka Amniga Soomaaliya Oo Cadaadis Kala Kulmay Beeshiisa & Hal...

XOG Dhageyso: Wasiirka Amniga Soomaaliya Oo Cadaadis Kala Kulmay Beeshiisa & Hal Arin Uu Aqbalay

1
0

Beesha uu kasoo jeedo Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa waxay cadaadis ku saareen inuu shaqada iskaga tego.

Beel weynta Abgaal Jufada Agoon yar ayaa waxay u aragtaa in Maxamed Abuukar Ducaale Isloow uu ka gaabiyey aayo ka talinta Beesha ee la sugayey.

Wasiir Isloow ayaa ka diiday Beesha inuu noqdo dantooda mid ka hor mariyo mida Qaranka oo sumcad xumo isaga shakhsiyadiisa ku dhacdo.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Isloow ayaa ah Ganacsade Caan ah oo Hanti badan ka sameeyey Dalka Soomaaliya Meelo kala duwan qandaraasle Lacag badan helana ahaa ka hor Wasiirka Amniga intaan laga dhigin.

Baahin.com ayaa waxa loo sheegay in Wasiir Isloow oo ah Malkiilaha Hoteelka Naasa Hablood 2 Ee Muqdisho uu usheegay Waxgaradka Beeshiisa in Xilka uu baneenayo balse xalka uu ka horeeyo in aan la sameyn Carqalad Beesha Ceeb usoo jiida hadhoow Dambe.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here