Xog Dhageyso: Hogaamiye Kooxeedyo Kasoo Muuqan Doona Wasiirada Loo Soo Magacaabayo Hirshabelle

Degmada Jowhar ayaa warar laga helay hordhac ah waxay sheegayaan in ay noqotay mid ay buux dhaafiyeen warar kusaabsan Siyaasiyiin raadinaya in Golaha Wasiirada Hirshabelle ka mid noqdaan.

Beelaha Abgaal iyo Xawaadle ayaa ku muransan tirada laga dhigayo Wasiirada iyo qaabka loo kala qaadanayo golaha Wasiirada Cuusub.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Ilaa 54 Wasiir ayaa la sheegayaa inay noqon doonaan waxaana macquul ah in Saaxiibada Maxamed Cabdi Waare ay Boos fiican ka heli doonaan Golaha Wasiirada lasoo magaaabayo.

Hogaamiye Kooxeedyo iyo kuwa Isbaarooyin u ooli jireen ayaa Jagada Wasiirada kasoo muuqan doono walaw magacyadooda aan lasii shaacin karin.

Badweyn.com ayaa ogaatay in Cali Guudlaawe iyo Maxamed Cabdi Waare ay ka arinsanayeen maalmahaan sida loo kala xulanayo Wasiirada iyo Boosaska loo dhiibayo iyadoo dhinaca kale la sheegayo in Wasiiradii hore badankood aysan soo laaban doonin.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)