XOG: Degmooyinka ugu Halista badan Muqdisho iyo Alshabaab oo Qaraxyada ku diyaariya

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Amaanka Dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in Degmooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho Al shabaab ku diyaariyaan Qaraxyada, sidoo kalena kasoo abaabulaan Weerarada qorsheysan ee Dilalka ah.

Qaraxyada ugu badan ayaa ka dhaca wadada Makka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, taa oo ka saxmad badan waddooyinka kale ee mara magaalada Muqdisho.

Sarkaalkan ayaa sheegay in Ciidamada Nabad sugida iyo kuwa kale ee Dowlada ay baadigoob ugu jiraan ugu jiraan Meelo ka mid ah Muqdisho oo la sheegay in si qarsoodi ah Al shabaab ugu leeyihiin xarumo ay weerarada kusoo diyaariyaan.

Degmooyinka ugu halista badan ee lagu diyaariyo Qaraxyada ay maleeshiyaadka ka geystaan magaalada Muqdisho ayaa waxaa kamid ah Heliwaa, Dharkiinley, Yaaqshiid, Dayniile iyo Kaxda oo dhammaantooda ay ku badan yihiin al-Shabaabka.

Sarkaal ayaa sheegay in Masuuliyiinta Dowlada looga baahan yahay inay dagaan Degmooyinkan oo ciidamada ay ku yar yihiin taas oo Al shabaab u sahleysa inay ku dhuumaaleystaan, Weeraradana kasoo abaabulaan.

Masuuliyiinta Dowlada ayaa goobo cayiman oo ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya iyo Garoonka Diyaaradaha Aadan cadde ka degan Magaalada Muqdisho, balse dad badan ayaa aaminsan hadii ay isku fidiyaan guud ahaan Magaalada oo Saldhigyada Ciidamadana ay si joogto ah u shaqeeyaan in Al shabaab qatartooda yaraan laheyd magaalada ay ka carari lahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here