Xog Deg Deg ah: Yaa lala eegtay Qaraxa Baabuur ee Goordhaw ka dhacay Muqdisho…

Sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno degmada Hodan gaar ahaan wadada Maka Al-mukarama aagga Isgoyska Xaaji Baasto, qarax gaari lagu xiray ayaa saakay wuxuu ka dhacay halkaasi.

Qaraxan oo ah nooca loo yaqaan dhajiska, ayaa waxaa lagu qarxiyay gaari ay saarnaayeen laba ruux oo dhalinyaro ah, oo kala ah wiil iyo gabar, sida dadka degaanka ay inoo xaqiijiyeen.

Gaariga oo marayay igsoyska Xaaji Baasto, ayaa markaliya uu qarxay, waxaana dhaawac soo gaaray wiilka oo darawal ka ah Baabuurka, kaasi oo durba la dhigay isbitaalka Daarul-shifa.

Dadka deegaanka waxa ay sheegayaan inaysan aqoon labada ruux ee gaariga uu la qarxay, balse warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in dadkan ay ahaayeen arday wax ka barata mid ka mid ah jaamacadaha Muqdisho.

Ciidanka ammaanka oo tagay goobta ayaa xiray nawaaxiga goobta qaraxa gaariga uu ka dhacay, halkaasi oo baaris ay ka sameeyeen sida Sarakiisha ay xaqiijiyeen.

Inta badan qaraxyada noocaan oo kale ah ee dhajiska loo yaqaan, ayaa waxa ay Shabaab ku xiraan gaadiidka ay leeyihiin xubnaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya u shaqeeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here