XOG DEG DEG AH: Xilka MD Farmaajo oo Halis ku jira & Mamul goboleedyada oo saxiixay in Cumar C/Rashiid laga dhigo….

Dawlad Cusub oo lagu dhabar jebinayo Mida fadhiidka ah ee Farmaajo ayaa la go’aamiyey in lagu aas aaso Magaalada Kismaayo Ee Gobolka Jubada Hoose.

Xogta laga helay Shirkii Kismaayo ayaa sheegaysa in Dawlada Cusub Ee halkaasi lagu dhisayo Madaxweyne looga dhigayo Cumar C/rashiid Cali Sharma’ake.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Magac Ahaan Dawlada Cusub Ee La yagleelayo ayna Maamul gobolleedyada Abaabulayaan ayaa noqonaya Inter-States Corporation Council (I.C.C).

Axmed Madoobe,Axmed Xaaf,Shariif Xasan,C/weli Gaas iyo Maxamed Cabdi Waare ayaa ku heshiiyey in Dawladaasi noqon doonto mid faa’iido u ah Dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Hadaba hadii Qorshaha ICC la damacsan yahay uu hir gelo waxay saameyn ku yeelan kartaa Hay’adaha Dawlada Dhexe oo Howshoodii lasoo fara geliyey


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)