XOG Deg Deg ah: Tirada Xildhibaanada Mooshinka ka wada RW Kheyre oo la helay & Wasiirada Kheyre oo…

Xildhibaanada DFS ayaa saaka kusii socda xarunta baarlamaanka halkaas oo uu ka furmayo shir aan caadi aheyn oo looga doodayo Fadexadii dowlada ka qabsatay in Itoobiya loo dhiibo C/Kariim Sh Muuse Qalbi-dhagax.

Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa lasoo sheegayaa in la hor geyn doono mooshin ka dhan ah Ra’isul Wasaare Xasan Cali kheyre iyo Xukuumadiisa, waxaana wada xildhibaano badan.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA XILDHIBAANADA MOOSHINKA WADA

Wararka ayaa sheegaya in tirada xildhibaanada mooshinka wada ay gaarayaan ilaa 130 laakiin warqada loo gudbinayo Gudoonka barlamaanka ay ku saxiixan yihiin ilaa 60 Xildhibaan.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Mooshinka wada ayaa aamisan iney ku guuleysan doonaan qorshahooda isla markaana ay ku qasbi doonaan gudoonka baarlamaanka in cod loo qaado mooshinka.

Waxaa jira warar sheegaya in xubno katirsan golaha wasiirada gaar ahaan kuwa baarlamaanka ku jira iney dadaal ugu jiraan sidii loo fashilin lahaa mooshinka iyo in laga dodo arinta Qalbi-dhagax.

La soco Wararkii soo Kordha Insha Allah


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)