XOG: Damuljadiid Oo Qorshe Qaraxyo Ah La Damacsan Muqdisho (Digniin)

Xog hoose oo ay heshay wakaaladda wararka ee baahin.net ayaa waxay sheegayaan in kooxda Damuljadiid ay damacsan tahay qorshe aad u ballaran oo ku aadan in amni xumo magaalada Muqdisho laga maleego.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay waxay sheegayaan in Kooxda ay abaabulayaan kooxo magaalada ka geysta qaraxyo, islamarkaana qasa amniga hadda ka jira magaalada.

Kooxda ayaa ulajeedkeeda waxay tahay in shacabka Muqdisho ku nool ay ka niyad jabiyaan dowladda cusub ee Mudane Farmaajo.

Waxaa jirta in laamaha amniga ay iyaguna ka war heleen qorsheyaalkan, islamarkaana ay wadaan howlgalladii lagu fashilin lahaa.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)