XOG Cusub: Xil ka qaadista Kheyre oo ka socota Villa Somalia & shaqsi caan ah oo la hadal haayo

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa wada qorshe xilka laga qaadayo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo hadda ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud.

Illo xog ogaal ah ayaa inoo sheegay in Thaabit Cabdi iyo xubno ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka wada shaqeynaya sidii xilka looga tuuri lahaa R/wasaare Kheyre.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in xubnaha uu hoggaaminayo Thaabit Cabdi madaxweyne Farmaajo ay ku qal qaalinayaan sidii Xasan Cali Kheyre si nabad doon xilka uga degan lahaa haddii uu diidana mooshin laga geeyo Xildhibaanada Golaha Shacabka.

R/wasaare Kheyre iyo Thaabid Cabdi oo hadda ah Hoggaamiyaha Xisbiga Awoodda Shacabka ayaa waxaa ka dhaxeeya khilaaf ka dhashay xil ka qaadistii lagu sameeyay Thaabit cabdi markii uu ahaa guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Arrintaan ayaa si weyn looga hadal hayaa Madaxtooyada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here