XOG CUSUB: Xasan Sheekh oo Farmaajo u gudbiyey Shaqsi uu la doonayo R/wasaare (Aqri)

Madaxweynihii xilkiisu dhamaaday ee Xasan Sh Maxamuud ayaa siyaasi ay isku beel yihiin uqal qaalinaya inuu noqdo ra’isul wasaaraha Soomaaliya

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Xasan Sh Maxamuud uu xariir xili hore ah la sameeyay Farmaajo si ra’isul wasaare uu uga dhigo siyaasi caan ah oo aan ilaa haatan si rasmi ah loo helin magaciisa.

“Waxaa uu doonayaa inuu kaalin ku lahaado talada ra’isul wasaaraha cusub, waliba waxaa uu noqonayaa siyaasi uu isaga wato oo ay isku beel yihiin, mana ogin hadii uu madaxweynaha aqbali doono” waxaa sidaas yiri xubin katirsan xafiiska madaxweynaha xilkiisu dhamaaday ee Xasan Sh.

Lama oga go’aanka uu qaadan doono Madaxweyne Farmaajo iyadoo dhanka kale xilkaas loo saadaalinayo Axmed Macalin Fiqi oo kaalin weyn ku lahaa doorashadiisii.

Madaxweyne hore Xasan Sh ayaa isdhiibay wareegii ugu danbeeyay ee doorashada isagoo xilka ku wareejiyay madaxwyene Xasan Sh Maxamuud.

Si kastaba, madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa marka uu la warego xafiiskiisa waxaa laga doonayaa inuu sida ugu dhaqsiyaha badan usoo magacaabo ra’isul wasaare cusub


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)