XOG CUSUB: MD Farmaajo oo Niyad Jab kala kulmay Qorshe uu Amisom ku geyn lahaa P/Land

Waxaa muddooyinkaan dambe soconayey qorshe ay wadday AMISOM oo ah in ciidamo ay ku geyso deegaanno uu ka arimiyo maamulka Puntland.

Xog la helay ayaa sheegaysa in madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo uu kahor yimid qorshahan, una sheegay in AMISOM aan la geyneyn magaalooyin kale oo dalka ah.

Ulajeedka ayaa ah in madaxweynaha uu doonayo sidoo uu kusoo yareyn lahaa meelaha hadda ay joogaan AMISOM, bedalkii ay magaalooyin kale isku fidin lahaayeen.

Wuxuu sheegay in hadda Puntland aanay ka jirin baahi ciidan oo AMISOM ah, sidaasi darteedna loo baahan yahay in meelaha ay joogaan ku ekaadaan.

Farmaaajo ayaa wada qorsheyaal sidoo kale AMISOM looga saarayo magaalooyin kale oo dalka ay ka joogaan, marka la diyaariyo qeybta ugu horreysa ee ciidanka AMISOM.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay