XOG CUSUB: Mahad Salaad & Faarax C/qaadir oo Muqdisho ka wada Qorshe ka dhan Farmaajo

Xog gaara oo ay heshay Baahin.com ayaa sheegeysa in Mahad Maxamed Salaad iyo Faarax Cabduqaadir ay horkacayaan mooshin culus oo la qorsheynayo in laga keeno Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Labadan shaqsi ayaa kulamo joogta ah ka wada magaalada Muqdisho, iyadoo la arkayo Hotelada waa weyn ee magaalada oo si hoose u marti galinaya kulamo xasaasi ah oo ay yeelanayaan xildhibaano gaaraya 50.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowr jeer ka hortagay Mooshino la doonayay in laga geeyo baarlamaanka waxaana hada ay ka faa’iideysanayaan Mucaaradka safarka uu ku marayo qeybo ka mida gobalada dalka.

Mahad Salaad iyo Faarax Cabduqaadir ayaa ka mid ah masuuliyiinta ugu sareysa Xisbiga Damu-jadiid, waxaana ay doonayaan in ay carqaladeeyaan Farmaajo iyo Kheyre, isla markaana ay talada dalka kusoo laabtaan doorashada soo socota.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay