XOG CUSUB: Kheyre oo Fara kulul ku haya Guddoomiye Mursal iyo Kiis loo Abaabulay Guddoomiyaha

Xog gaara ayaa sheegeysa in Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku cadaadinayo inuu kusoo laabto Aqalkii uu ka degenaa Madaxtooyada Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan ayaa tan iyo markii uu Khilaaf soo kala dhex galay isaga Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha wuxuu ka guuray Hoygii uu ka degenaa Madaxtooyada Soomaaliya, isagoo markaas u cararay Hotelka Shabeelle ee Agagaarka Garoonka Aadan Cadde.

Wada hadal dhex maray isaga iyo Madaxda dalka ayay ku heshiiyeen balse Guddoomiye Mursal wali kuma kalsoona inuu Madaxtooyada ku laabto iyo halkii uu degenaa oo intii Khilaafka jiray Korontada iyo Raashinka laga jartay.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ka walaacsan Xildhibaano ka tirsan Mucaaradka Dowlada oo Maalmihii ugu dambeeyay lagu arkayay Guriga Guddoomiyaha walow hada uu Shir kaga qeyb galayo Dalka Jordan.

Kheyre wuxuu doonayaa inuu Mursal kusoo celiyo Madaxtooyada si looga warqabo xaaladiisa laakiin Guddoomiyaha ayaa arrintaasi ka biyo diidan.

Hadaba Sarkaal ka tirsan Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa  sheegay in Lacago dheeri uu heli jiray Guddoomiyaha Golaha Shacabka laga jartay, waxaana lacagahaasi la sheegay inuu ku dabiri jiray Kerida guriga uu degan yahay iyo Shaqaalahiisa gaarka ah.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa Kiiskan u adeegsanaya Masuuliyiin kale oo is hor istaagay lacagahaasi ku dhici jiray Akoonka Guddoomiyaha laguna qaadi jiray in wax loogu qabanayo Baarlamaanka balse uu isku dabiri jiray Guddoomiye Mursal maadaama uu Banaan joog yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here