XOG CUSUB: Hal Arrin oo wali Hortaagan in Xal laga gaaro Khilaafka DF iyo Dowlad Gobaledyada

Warar hoose ayaa sheegaya in Madaxda Maamul Gobaleedyada ay wali ku adkeysanayaan in Shirka ay la yeelanayaan Madaxda Dowlada Federaalka inuu ka dhaco meel ka baxsan magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah Wafuuda ka socota Aqalka sare ee u istaagay Xaqiiqo raadinta Khilaafka ka dhex aloolsan Dowlada dhexe iyo Maamulada hoostaga ayaa markan kulamo xog wareysi ah la qaadan Hay’addaha fulinta ee Dowlada Federaalka, iyagoo soo gaba gabeeyay kulamadii ay la yeelanayeen Madaxda Maamul Gobaleedyada.

Shuruudaha ugu waa weyn waxaa ka mid ah in Dowlada Federaalka ay marka hore xaliso tabashooyinkooda ka dibna Shirka wada hadalka lagu qabto Kismaayo, Garoowe ama Baydhabo.

Dowlada Federaalka ayaa qudheeda la ogeyn inay ogolaan doonto in Shirka Muqdisho laga wareejiyo, waxaana suurta gal in Khilaafka uu sii xumaado inkastoo Maamulada qaar rajo laga muujiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here