XOG CUSUB: Ciidanka Itoobiya Oo La Wareegay Hoygii Uu Dhuusomareeb Ka Deganaa Sheikh Shaakir

Wararka naga soo gaarayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidanka Itoobiyanka ah ee ku sugan magaladaas loo ogolaaday iney la wareegaan xarumaha muhiimka ah oo la rabo in amnigooda la adkeeyo.

Xarunta Inj oo uu degan yahay Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir kana tirsan Hoggaanka Ahlu suna horayna loogu diiday in ciidanka Itoobiya la wareegaan ayaa hadda la soo sheegayaa in loo ogolaaday iney la wareegay amniga xaruntaasi.

Arrintaan ayaa ka dambeysay ka dib markii Ahlu suna iyo Dolwadda Federaalka ay ka heshiiyeen mad madowgii ka jiray dhismaha maamulka Galmudug lana qanciyay Ururka Ahlu suna Waljameeca.

Heshiis ay Dowladda Federaalka la gashay Ahlu suna ayaa dhigaya in 20-Xildhibaan laga siiyo Baarlamaanka Galmudug ee lagu wado in maalmaha soo socdo lagu dhawaaqo.

Qaar ka mid ah musharaxiinta mucaaradka ah ayaa soo dhoweeyay Heshiiska ay wada gaareen Ahlu suna iyo Dowladda Federaalka,iyagoo Ra’iisal wasaaraha uga mahad celiyay howsha adag uu qabtay.