XOG CULUS:- Yaa lala Doonayaa Madaxweynaha Soomaaliya ?

Beesha caalamka ayaa mid ka dooratay musharraxiinta u taagan xilka madaxweynha Soomaaliya, walow illaa hadda aysan jirin cid beesha caalamka u wakiilatay in shaqsigaasi lasoo doorto.

24 musharrax ayaa u taagan xilka madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, hase ahaatee waxay beesha caalamka ka xulatay mid kamid ah musharraxiintan.

Waxay hadda taageero xooggan siinayaan Jibriil Cabdulle oo ah shaqsi horey ula soo shaqeeyey wadamada beesha caalamka qaarkood.

Jibriil ayaa la heshiiyey wadamo dhowr ah si ay danihiisa ugu fuliyaan, xitaa Qaramada Midoobey ayaa dooneysa Jibriil, balse taageeradiisa xildhibaannada wli ma cadda.

Waxaa laga yaabaa haddii xildhibaannada u hiiliyaan Isbedal doon iney codkooda siiyaan Jibriil, islamarkaana meesha ay ka baxaan rag badan oo Xasan Sheekh kamid yahay.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)