XOG CULUS: Wasiirka Amniga Xukuumada Somalia oo Diiday in Xilka laga qaado & Kheyre oo…

Xog gaara ayaa sheegeysa in Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu diiday in loo wareejiyo Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuuker Islow Ducaale ayaa ugu bandhigay qorshe loogu wareejinayo Wasaaradda Ganacsiga laakiin wuu ka biyo diiday.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre labadaba saaxiib dhow ayay la yihiin Wasiirka Amniga, waxaana dhowr jeer oo hore loogu bandhigay Xilal kala duwan sida Guddoomiyaha Gobalka Banaadir uu diiday.

Maxamed Abuuker Islow Ducaale oo ah shaqsi Ganacsade ah ayaa la sheegay inuu lacago ku bixiyo Amniga iyo Howlgalada laakiin uusan laheyn aqoon ku filan oo xaga amniga balse uu ku fiican yahay Ganacsiga.

Sarkaal ka tirsan Xafiiska Wasiirka Amniga ayaa inoo sheegay inuu magac xumo ka cararayo Wasiirka iyo Khaladaadka amniga ee Dowlada gasho masuuliyadooda isaga dusha loo saaro.

Sidoo kale Wasiir Islow wuxuu saameyn weyn ku leeyahay Xildhibaanada Muxaafadka ee Dowlada taageersan hadii ay isku dhacaan Madaxda Dalka waxaa uga imaan kara culeys siyaasadeed oo weyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here