Xog culus: Madaxda Dowladda oo culeyska ka qafiifinaya Wasiirka Amniga

Xafiisyada Madaxweynaha Somaliya iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda ayaa waxay dadaal ugu jiraan, sidii ay u yarayn lahaayen amaba meesha uga saari lahaayen culeyska Wasiirka Amniga Gudaha, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ka haysta Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya.

Wasiirka Amniga Gudaha oo ay la socdaan Taliyaha Booliska Somaliya, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo Taliyaha Laanta Socdaalka & Injisiyadaha, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo Axadii hortagey Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka ayaa waxaa laga diiday in wax laga dhageystay, waxaana lagu adkeeyay in ay hortaggaan Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Wararka ayaa sheegaya in mooshin la xisaabtan ah laga soo gudbiyay hay’adaha ammaanka ee dalka, loogana yeeray Xarunta Golaha Shacabka, balse ay Guddiga Joogtada u hortaggeen, sidii arrintan loogu dhammeen lahaa wada hadal, ha yeeshee lagu adkeeyay inay hortaggaan Golaha Shacabka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Wasiirka iyo Taliye-yaashii la socdayba loo sheegay in wixii dhageysi iyo is difaacidba la xiriira, laga doonayo in ay ka hor sheegaan Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Xafiisyada Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa waxay bilaabeen dadaalo ay culeyska kaga yareynayan Wasiirka Amniga, haddii ay saaxiibo dhow yihiin Madaxda Dowladda ugu sareysa.

Dadaaladan socda ayaa Xildhibaanada dhabarka ka riixeysa mooshinka la xisaabtanta looga dhaadhicinaya inay wax ka bedelan barnaamijkooda ay ku doonayan inay kula xisaabtamaan hay’adaha ammaanka ee dalka.

Xildhibaanadan ayaa waxay ka careysan yihiin dilkii 20-kii bishan Almaas Elman Cali loogu gaystay Xerada Ciidamada Amisom ee Xalane, oo ku dhex taala Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Xildhibaanada ayay u cuntami weyday in toogasho ceynkaasi oo kala ah ay ka dhacdo goobtii ugu amniga badneyd ee Magaalada Muqdisho.

General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliya ayaa habeenkii Arbacada sheegay in ay bilaabeen baaritaan ku aadan dilka Almaas Elman, wixii natiijo ee ka soo baxana ay la wadaagi doonaan shacabka Soomaaliyeed.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ka digay in baaritaanku uu noqdo mid bilaa natiijo ku soo dhamaada, si lamid ah kii Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.