XOG CULUS: Farmaajo Oo Xalay Ka Seexan Waayay Jugta Qaraxa & Rasaastii Ka Socotay Hotel SYL

Hotelka SYL ee xalay la weeraray ayaa wax ka yar boqol tallaabo u jira Hoyga madaxweyne Farmaajo uu ka degan yahay Madaxtooyada Soomaaliya,halkaas oo si aad ah looga maqlayay Jugta Qaraxa iyo rasaasta,waxaana mararka qaar madaxtooyada ku dhacayay Xabadda Wiiftada ee Ciidanka Dowladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab isweydaarsanayeen.

Sida wararku ay sheegayaan madaxweyne Farmaajo ayaa xalay cabsi ku seexday hoygiisa ka dib markii Al-Shabaab weerar toos ah ay ku qaadeen Hotelka SYL oo ka soo horjeeda Iridka hore ee laga galo xeydaamka Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Waa markii saddexaad oo Al-Shabaab weerar ku qaadaan Hotelka SYL,waxaana xalay markii uu weerarka dhacayay Hotelka ka socday Xaflad oo mid ay ahayd casho sharaf loo sameynayay Odayaal ka qeyb galay Xafladii caleema saarka ee guddoomiyaha Beesha Habargidir Mr. Shirwac oo shalay ka dhacday Muqdisho iyo Xaflad lagu soo bandhigayay Buug ay qortay mid ka mid ah Hablaha Soomaaliyeed.

Ammaanka xarunta madaxtooyada ayaa si aad ah loo adkeeyay gaar ahaan ammaanka madaxweyne Farmaajo iyo Qoyskiisa ee ku sugan gudaha Villa Soomaaliya waxaana isku gadaamay ciidamo badan oo ka tirsan ilaalada Madaxtooyada.

Laamaha ammaanka ayaa sheegay in weerarkii xalay lagu qaaday Hotelka SYL ay ku dhinteen 5-Qof halka 11-kale ay ku dhaawacmeen,kuwaas oo isugu jira askar iyo shacab.

Ku dhawaad 5-dagaalyahano oo ka tirsan Al-Shabaab oo ku lebisan dareeska ciidanka Booliska ayaa gudaha u galay,kuwaas oo dagaal adag kala kulmay ciidanka Dowladda iyo ilaalada Hotelka.