Xog: Ciidamada DF Iyo kuwa Jabuuti Oo Dhufaysyo Iskugu Jiro +Cabsi Laga Qabo…

Xiisad dagaal ayaa ka taagan dagmada Buulo­burde ee gobolka Hiiraan taa oo u dhexeysa Ciidamada dowlada iyo AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti.

 

Xiisadaani ayaa ka dhalatay dilka Askari ka tirsan ciidamada Jabuuti, waxaana la sheegayaa in ciidamada Jabuuti ay doonayaan inay awood kula baxaan dhowr Askari oo lala xiriirinaayo dilka Askariga Jabuutiyaanka ah.

 

Ciidamada Jabuuti ayaa tuhunka ugu badan ka qaba in dilka Askarigooda ay ka danbeeyen ciidamada dowlada ee uu kala dhexeeyo tuhunka kuwaa oo la sheegay in xiliga dilka ay goobta ku sugnaayen.

 

Xiisadan ayaa wali ka taagan dagmada Buulo burde waxaana ilaa iyo haatan socda dhax dhaxaadinta iyo xal ka gaarista xiisada.

 


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay