XOG: CC Shakuur oo balan qaad dhaqaale ka helay DF & Heshiis lagula galay inuu..

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan gaar ah oo madaxtooyada Soomaaliya ku dhexmaray Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Labada mas’uul ayaa si gaar ah uga wada hadlay hanaanka doorashooyinka iyo sidii lagu xalin lahaa khilaafka ka jira.

Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in Xisbiga Wadajir oo uu soo wajaho dhaqaalo xumo baahsan Dowladda Federaalka ka helay balanqaad lacageed oo aad u fara badan.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa, in Ra’iisal wasaare Rooble uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame u balan qaaday in Dowladda ay ku kaabeyso dhaqaale si u xoojiyo ololihiisa doorasho,islamarkaana uu dhaliisha ka yareeyo Dowladda Soomaaliya.

Lama hubo cadadka lacagta loo balan qaaday Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, balse waxaa la xaqiijiyay in lacagtaas ay jirto, sida xogta aan ku helnay.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo muuqaal soo duubay ayaa shacabka Soomaaliyeed kaga codsaday iney Xisbigiisa dhaqaalo ku taageeraan, si aanay ugu baahan gacan shisheeye.

Xisbiga Wadajir ayaa lagu xantaa inuu dhaqaalo ka heli Imaaraadka Carabta.