XOG: Cali Maxamed Geedi oo lagu bedelayo Ra’iisal wasaare Kheyre

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa inoo sheegay in madaxweyne Farmaajo uu qorsheynayo inuu Cali Maxamed Geedi ku bedelo Ra’iisal wasaare Kheyre oo arrimo siyaasadeed la isla ogyahay xilka uga degayo.

Sida xogta lagu helayo, madaxweyne Farmaajo ayaa xubnaha mucaaradka ku qancinaya xukuumad wadaag si ay u suurta gasho mudo kordhinta hadalkeeda la hayo.

Xubno ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya ayaa inoo sheegay in Cali Maxamed Geedi oo horay dalka Ra’iisal wasaare uga soo noqday ayaa loogu ololeynayo in loo magacaabo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya,iyadoo la adeegsanayo xeelado mucaaradka lala wadaagayo.

Cali Maxamed Geedi waa siyaasi sumcad ku dhex leh Ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha uu ka soo jeedo,wuxuuna u taageera madaxtooyada Soomaaliya.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa maalmo ka hor ka soo laabtay dalka Qatar ayaa hadda u muuqda mid ay sii laba jibaarmeyso siyaasadda ay ku kala fogaan karaan madaxweyne Farmaajo oo saddex sano iyo bar ay wada shaqeyn ka dhaxeysay.

Xubnaha mucaaradka ayaa kordhiyay qeylo dhaantooda ku aadan ineysan aqbaleyn mudo kordhin,islamarkaana ay doonayaan in doorashada waqtigeeda ku dhacdo.