Xog Cajiib Ah Dhageyso: Hantiilayaasha Jeeb Taraqa Noqda iyo Sababta Keentay Guuldaradooda

Haddii aad xaalad adag ku soo marto ama aad is aragto in hantidaadii gabaabsi sii noqotay oo aad is aragto inaad qarka sii saran tahay, ha is dhiibin, ma tihid qofka kaliya ee tijaabadaa adag maraya, dadbadan ayaa kaaga horreeyay iney kufaan, laakiin markii dambe kasoo kabsaday oo mar kale dib u halay hanti.

Dadbadan ayaa aaminsan in musalifka iyo hantiilanimada ay u dhaxayso gaab aad u wayn oo aan la dabooli karin. Laakiin waaqica dhabta ah waxa uu sheegayaa wax ka duwan arrintaas. Waxaa maanta adduunka ku nool dadbadan oo taajiriin ah oo horeyna u soo maray dhaqaalo xumo, laakiin markii dambe noqoday dad billionaire ah.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA XOGTA

1 .Abuur gacansi Qiimo weyn leh

Waxaa la yiraahdaa “Hantidu waa abaalmarinta aad ka hesho shey qiimo badan oo aad  nolosha dadka kale ku soo kordhiso.”

Waxaad soo kordhin kartaa shay cusub ama adeeg hore suuqa yaalla ayaad horumarin ku sameyn kartaa.

2 .Abuur gacansi ay dadku aad u jecelyihiin

Fikrad kaliya oo wanaagsan ayaad u baahan tahay si aad hantiile u noqoto. waxaa jira waxsoosaar kugu dhaga sidii dabka oo kale oo dadka oo dhani aaney illoobi karin xilli kastana ay xasuustaan.

3 .Adeegyo u fidi sectors gacansiga mustaqbal ku leh

Adduunku waxa uu markhaati ka ahaa sida uu u horumaray Airbnb oo markii hore ahaa website ay dad koobani yaqaannaa oo dadka guryaha ka kireeya, laakiin u markii dambe waxa uu isku bedelay shirkad caalami ah oo faa’iidooyin fara badan soo xareysa.

4 .Xiriiradda Internet-ka hagaaji

Aasaasaha “Whatsapp”, waxa uu hagaajiyay adeeggii internet-ka maantana dadbadan ayaa ka faa’ideysta oo ku xiran adeeggii uu soo kordhiyay.

5 .Dhulka iyo guryaha maalgasho

Dhismuhu waa maalgashiga mudada fog oo kobac muuqda ku sameyn kara rasamaalkaaga gaarka ah ee mudada fog.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay