Xog:-Cabsi Soo Wajahday Xasan Shiikh,Kenya iyo Imaaraadka oo Xayiraad Ku Soo Rogay Labo Madaxweyne Goboleed

Xiisad cusub ayaa ka dhax taagan Dowlada Kenya iyo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Dalka gaar ahaan Shariif Xasan iyo C/kariin Xuseen Guuleed.

Warar hadda soo baxaya ayaa sheegaya in Dowlada Kenya ay xanibaad saartay Labadaasi Madaxweyne Goboleed oo ay u diiday in aysan u safri karin Dalkeeda.

Sababta ugu weyn ayaana lagu sheegayaa in ay la safteen Xasan Sheekh Maxamuud oo Dowlada Kenya ay u aragto Shaqsi cadow ku ah Dowladaasi.

Kenya waxaa ay ku colaadineysaa Xasan Sheekh waxaa ay tahay Arinta Dacwada Badda ee Maxkaamda Caalamiga iyadoo sidaa darteed Dowladaasi aysan dooneeyn in markale Xasan Sheekh Talada Dalka ku soo noqon.

Sidoo kale warar ayaa sheegaya in Imaaraadka ay Shariif Xasan iyo C/kariin Guuleed go’aankaas oo kale ka qaadatay Maadaama ay uga baxeen Heshiiskii Magaalada Abu Dhabi oo ay soo kala saxiixdeen Madaxda Maamul goboleedyada iyo Dowlada imaaraadka.

Dowlada imaaraadka ayaa wadata Musharraxiinta kala ah Sheekh Shariif iyo CCC Sharma’arke iyadoo Madaxda Maamul goboleedyada kale ay go’aankoodu yahya in labadaas mid kood loo Ololeeyo oo dalka isbedel ka dhaco halka labda Madaxweyne ay taa ka soo horjeedaan.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)