Xog Buuxda: Sedex Siyaasi oo noqon kara Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya – Magacyadooda & Qabiiladooda

Warar lagu kalsoon yahay oo kusoo dhacay Warqabadka baahin.net ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ka fakarayo cida uu ka dhigayo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya

Warar hoose oo soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in siyaasiyiin uu ku jiro Shariif Sheekh Axmed ay markaan xilka Ra’iisul wasaaraha u raadinayaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah ragga aadka ugu ololeeyay Farmaajo.

Shariif ayaa maanta gelinka dambe la kulmi doona Madaxweyne Farmaajo, waxaana uu kala hadli doonaa suurtagalnimada in Axmed Macallin Fiqi oo Beesha Hawiye ah, kana sii ah Habargidir, Sacad looga dhigo Ra’iisul wasaare.

Warar kale ayaa sheegaya in C/Qaadir Cosoble oo kasoo jeeda beesha Hawiye/Abgaal loo wado xilka inuu sidoo kale xilkaas loo dhiibo.

Ragga kale ee isha uu ku hayo Madaxweyne Farmaajo waxaa kamid ah C/Raxmaan Cabdi Shakuur oo kasoo jeeda beesha Hawiye/Habar gidir, Ceyr.

Farmaajo ayaan la ogeyn in dalabkaasi uu aqbali karo iyo in kale, balse waxa uu doonayaa in uu keensado rrag ay is fahmi karaan, dhammaantoodna ay ka go’an tahay wax u qabashada shacabka Soomaaliyeed.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa Farmaajo waxay ka sugayaan isbedal dhab ah, sidoo kalena waxay shacabka ku haminayaan in Farmaajo uu dalkaan kusoo leexin karo wadadii saxda ahaa.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)