XOG BUUXDA: Gudoomiyaha Barlamaanka oo culeys weyn ka dulqaaday RW Kheyre & MD Farmaajo

Wararka naga soo gaaraya ilo wareedyadeena ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu ogolaaday inuu faragalinta ka deeynayo hawlaha shaqo ee R/wasaare Xasan Cali Kheyre iyo golihiisa Wasiirada cusub ee uu dhawaan soo magacaabayo.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Gudoomiye Jawaari uu ogolaaday inuu faragalinta ka deeynayo hawlaha shaqo ee looga fadhiyo R/wasaare Xasan Cali Kheyre.

Gudoomiye Jawaari ayaa doonayay in uu R/wasaare Kheyre golihiisa wasiirada cusub ugu soo daro dhoowr xubnood oo uu isagu wato, taas oo uu R/wasaare Kheyre ka biyo diiday sababna u noqotay in magacaabista golaha wasiirada cusub ay dib u dhacdo.

Dhinaca kale Ogolaashaha Jawaari inuu faragalinta ka deynayo golaha fulinta ayaa waxaa sabab u ah culeys aad u mug weyn oo uga yimid dhanka Xildhibaanada isbedel doonka ah oo la saftay golaha fulinta.

Isku soo wada duuboo waxaa muuqata in Xildhibaanada Baarlamaanka marakan ay yihiin kuwo ka duwan waxbadan kuwii ka horeeyay, waxaana muuqata inay yihiin kuwo u bisil dardar galinta ku dhaqanka dastuurka dalka islamarkaana cidna aysan uga ka yeeleen inay baal marto.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay