XOG: Axmed Madoobe Oo Labo Daran Mid Dooro Heysato & Xaaf Oo Ogolaanaya Codsiga Dawlada Dhexe

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa waxa uu hadda kusugan Yahay Magaalada Muqdisho isagoo dhawaan tegi doona sida la sheegay Deegaanada Qaar Ee Jubbooyinka.

Ololaha Doorashada ayuu doonayaa inuu guda galo si uu isku muujiyo oo ciidamadana udhiiri geliyo ka hor doorashada Augusto dhaceysana loo qabto Magaalada Bu’aale Ee Jubbada Dhexe.

Caasimada Rasmiga ah Ee Jubbaland waa Bu’aale Balse Shabaab ayaa heysta,waxaana Axmed Islaam Madoobe Culeyska ugu weyn ka heystaa in Doorashadii isku diyaariyo iyo Dagaalkaas uu galo.

Xilli Roobaadka Guga ayaa curtay meelo ka mid ah Soomaaliya,waxaana ku adkaaneysa in Xilli roobaadka uu dagaal qaado Axmed Madoobe,waana dhibaato kale uu wajahayo.

Sidoo kale waxaa Doorashada inuu galo uu ka dhaadhicinayaa Dawlada inay taageerto si mar kale usoo doortaan Xildhibaanada Jubbaland.

Ilo wareed ayaa muujinaya in Dawlada iyo Jubbaland Hogaankeeda wax urahmanaayeen shirkii ka dhacay Kismaayo bilowgii Bishaan markii Ra’iisal Wasaare Kheyre Halkaasi tegay.

Ma cada wejiga uu la laabanayo Axmed Madoobe,iyadoo Kadib Muqdisho Kismaayo markii uu tego uu Garbahaareey Safar ku aadi doono sida ay inoo sheegeen Ilo ku dhaw Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here