XOG: Axmed Madoobe Oo Imaaraat-ka Kedis safar ku aaday (Sababta)

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa kusugan dalka Imaaraatka Carabta.

Madoobe ayaa Dubai kulamo kula yeelanaya qaar kamid ah Saraakiisha Sirdoonka iyo U qeybsanaha u qaabilsan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayeysan safarkan ku wehlin cid katirsan Madaxda Jubbaland,aida ay inoo sheegeen Xubno katirsan Madaxtooyada Kismaayo.

Arinta Safarka Madoobe ayaa kusoo aadaya xilli warar shalay soo baxay sheegayeen in Madaxweynaha Jubbaland uu xanuunsan yahay.

Dalka Imaaraatka waxaa 4 maalin ka hor ka yimid Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo hadda kusugan Nairobi.