XOG: Axmed Madoobe oo dalbaday in la Khaarijiyo Mas’uulka DF u magacaawday gobolka Gedo

Ilo xog ogaal ah oo aan ka helnay madaxtooyada Jubbaland ayaa inoo sheegay inuu socdo qorshe shirqool oo lagu soo xirayo ama lagu dilayo guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji (Macalimow),kaas oo howlgal sifeyn ah ka wada gobolkaas.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ” Madoobe” ayaa la sheegay inuu amar ku bixiyay in si deg deg ah nolol ama geeri loogu keeno Guddoomiye Macalimow oo uu ku eedeeyay inuu qas ka wado gobolka Gedo.

Axmed Madoobe ayaa amarkaas siiyay ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee ku sugan magaalada Mandheera ee uu hoggaaminayo Wasiirka amniga Jubbaland C/rashiid Janan,kuwaas oo kal hore dagaal looga saaray magaalada Baladxaawo.

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee maamulka Gobolka Gedo oo hadda si buuxda Dowladda Federaalka ugu magowcday Guddoomiye ayaa wacad ku maray iney dagaal adag la galaan cid kasta oo taageersan maamulka Jubbaland,wuxuuna sheegay in Gedo kaliya ay ka aramin karaan maamul hoos tago Dowladda Federaalka.

Maamulka Farmaajo ayaa ciidamo badan geeyay magaalada Baladxaawo iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Gedo,kuwaas oo laga daad gureeyay magaalada Muqdisho.