XOG: AMISOM Oo Laga Yaabo In Hal Mar Dalka Ay Ka Carareen (Laabo Arrin Darteed)

Ciidamo ka socda wadamo Afrikaan ah ayaa magaca AMISOM waxay ku joogaan Soomaaliya, waxaana ay caawinayaan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hadaba waxaa soo baxaysa ccabsi ah in ciidamadan ay dalka si degdeg ah uga cararaan, kadib markii ay soo wajahday Labo arrin aan isku qalmin, keeni kartana iney baxaan.

Mushaar La’aan joogto ah ayaa ah qodobka Koowaad ee keenaya in ciidamada AMISOM isaga cararaan Soomaaliya, waxaana jirin muddo ku dhow Sanado in aysan wax lacag ah qaadan.

Al-shabaab oo sii xoojisey weerarada lagu beegsanayo AMISOM ayaa sidoo kale qeyb ka ah culeysyada badan ee haysta AMISOM, waxayna isku darsadaan dhimasho iyo lacag la’aan.

Soomaaliya ayaa haysta ciidamo ku filan, balse ciidankaasi ma haystaan taageero dhaqaale iyo sidoo kale mid ku aadan in la qalabeeyo si ay dalkooda u difaacaan.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)