XOG: Amisom oo ka wal walsan doorashada Madaxweyne Farmaajo & Qorshe ay damacsan yihiin…

Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dhawaan loo caleemo saari doonaa inuu dalka hogaamiyo afarta sano ee soo socota.

Si kastaba, doorashadiisii ayaa niyad jab xoogan ku abuurtay dhinacyo badan oo ku sugan gudaha Soomaaliya iyo dalalka kale ee dibadda ah.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in saraakiisha ciidamada Amisom ay aad ugu wal walsan yihiin in mudane Farmaajo uu noqdo madaxweynaha Soomaaliya.

Sababta ay ugu wal walsan yihiin Mudane Farmaajo ayaa ah inuu kala xisaabtami doono waxqabadkooda si lamid ah sidii uu sameeyay xiligii uu ra’isul wasaaraha ahaa 2011-kii.

Mid kamid ah Saraakiisha Amisom ayaa markii Farmaajo la doortay laga soo xigtay in haatan Soomaaliya ay noqoneyso dal xoogan oo ay adag tahay in Amisom ay si micno la’aan ah ujoogto.

Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ayaa la filayaa inuu saraakiisha AMisom ku qasbo in lagula xisaabtamo shaqadooda taas oo soo gaba gabeyneysa masuq maasuqii ay sameyn jireen.

Amisom ayaa sidoo kale lagu qasbi doonaa iney si deg deg ah uga qeyb qaataan sidii ay dowlada gacantooda kusoo geli laheyd deegaanada ay kooxda AlShabaab wali ku sugan yihiin.

Si kastaba, Amisom oo ka kooban dalalka Jabuuti, Kenya, Itoobiya, Uganda iyo Burundi ayaa haatan waxaa la filayaa in shaqadooda ay dar dar geliyaan.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)