XOG:- Al Shabaab Oo Soo Saaray Mowqifkooda Ku Aadan Dowlada Cusub Ee Soomaaliya..

Mudooyinkii u dambeeyay waxaa Magaalada Muqdisho iyo Deegaanada kala duwan ee Gobolada Dalka ka dhacayay Dabaal degyo waaweey oo lagu taageerayo Doorashadii Madaxweyanaha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Iyadoo warar kaa ay jiraan ayaa warar kale waxaa ay ka soo baxayaan Deegaanada Ay Maamulaan Kooxda Al-Shabaab oo ku aadan Aragtidooda doorashadii 8dii bishan ka dhacaday Magaalada Muqdisho ee uu ku soo baxay Madaxweyne Farmaajo.

Xog Galgaduud.com ka heshay illo Sirdoon ah ayaa waxaa ay xaqiijinayaan in Xubnaha Saraakiisha Sare ee Shabaab u arkaan Taageerada Farmaajo iyo diidmadiisa Faragelinta Dowladaha Shishiiye ay suurto gal ka dhigeyso in wax iska bedelaan Mowqifka Al-Shabaab.

Tan iyo Markii la doortay Madaxweynaha Cusub ee soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa is dhax galay Ciidamada Dowlada iyo Shacabka kuwaas oo si is kumid ah uwada dabaal-degayay Mana jirin wax weeraro ama carqaladeen ah oo Shabaab dhankooda ka yimid.

Warbaahinta taageerta Al-Shabaab waxaa ay qoreen warar aan lagu cadeyn Mowqifka Al-Shabaab ee Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ilaa iminkana macada Fikirkooda Shabaab laakiin waxaa isku maqan xubnaha shabaab.

Waxaa shacabka ay xasuustaan in dad badan ay god ugu jiraan oo loo dilay taageero ay u miijiyeen Dowladihii dalka soo maray iyadoo Habeenkii la doortay Farmaajo ilaa Maanta ay dibadbaxyo balaaran ay ka dhacayaan Muqdisho iyo Meelo kale oo dalka ka mid ah.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)