XOG: Akhriso Qorshaha Ciidan Ee u Degsan Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Farmaajo

Wakaaladda Wararka ee baahin.net ayaa xog hoose ku heshay qorshaha ciidan ee madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xogtu ayaa sheegeysa in Farmaajo maalmaha ugu horreeya uu doonayo inuu isbedal dhab ah ku sameeyo ciidamada Soomaaliya gaar ahaan kuwa xoogga dalka.

Waxa uu doonayaa inuu dhiso ciidan awood buuxda leh, sidoo kalena helaya xuquuqdooda, kuwaaso oo dalka ka saari doona Al-shabaab.

Farmaajo ayaa hadda ka bilaabi doona qeybinta mushaaraadka ciidamada, bixinta hub iyo sidoo kale darees ciidan, bilaabista howlgallo adag.

Waxa uu sidoo kale ku xijin doonaa maalmahan hore diyaarinta ciidamo isku dhaf ah oo qaran, kuwaasi oo laga keeni doono guud ahaan maamul goboleedyada dalka.

Sida la saadaalinayo Famaaajo ayaa Saddex bil ee ugu horreysa ku diyaarinaya waxyaabo muuqda, iyadoo ciidamada kaalmaha hore ay ku jiraan.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)