XOG: Agaasime Idaacadeed & 50-shacab ah oo loo xiray banaanbax looga soo horjeedo MD Farmaajo

Wararka naga soo gaarayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa si diiran halkaasi loogu soo dhoweeyay.

Wararka xiisaha leh ayaa waxay tahay in Agaasime Idaacadeed oo sii deysay banaan bax ka dhan ah madaxweyne Farmaajo iyo 50 shacab ah oo xabsiga loo taxaabay

Maamulka Galmudug ayaa Xabsiga dhigay ku Dhawaad 50-Ruux oo ka mid ahaa dad maanta Gaalkacyo ka dhigay Dibad-bax, looga soo horjeedo Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo  oo Asbuucaan socdaal ku mari doona deegaanada Maamulka Galmudug.

Dadka la Xar-xiray ayaa waxaa ka mid ah Wariye Hanad Cabdi Faarax oo ah Agaasimaha Idaacada Codka Mudug oo ku taala Magaalada Gaalkacyo, taasi oo Ciidamada Dowladda ay ku Eedeeyeen inay baahisay Codka iyo Sawiradda dadkii banaan baxa dhigayey.

Mas’uuliyiinta laamaha Amniga Gaalkacyo ayaa iska Fogeeyey inay wax lag ah ku leeyihiin Xariga wariyahaan iyo dadka kale ee la Xiran, aygoona ku eedeeyey Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Dhawaan la geeyey Magaaladaasi.

Maalin ka hor ayaa magaalada Gaalkacyo waxaa kooxo yar oo qaswadayaal ah ay ku jeex jeexeen magaalada Sawirada madaxweyne Farmaajo oo lagu dhejiyay wadooyinka qaar.

Amaanka guud ee magaalada Gaalkacyo ayaa si weyn loo adkeeyay,waxaana sidoo kale joog hoose ku duulaya diyaarado dagaal.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay