Xisbi wadno qabad ku ahaa Soomaalida Norway oo isaga baxay xukuumadd wadaagga

Fremskrittspartiet (Frp) oo ah xisbi cunsuri ah oo ka dhisan dalka Norway islamarkaana qeyb ka ahaa xukuumadda haatan ka jirta dalka Norway ayaa maanta ku dhawaaqay in uu isaga baxay xukuumadda.

Hoggaamiyaha xisbigaasi Siv Jensen ayaa sheeca ka qaaday maanta go`aanka xisbiga kadib maalmo badan oo ay labo-labeyneysay islamarkaana ku goodineysay in ay isaga baxayaan xukuumadda.

Wararku waxa ay sheegayaan in go`aanka xisbiga ee ka bixidda xukuumadda uu yimid kadib markii dhawaan dalka dib loogu soo celiyay haweeney Pakistani ah taas oo ku biirtay kooxda Daacish sannadkii 2014 iyo labo ciyaal ah oo ay dhashay.

Hoggaamiyaha xisbigaasi Siv Jensen ayaa sheegtay in uusan go`aankooda ka bixidda xukuumadda khuseyn arrinta haweeneydaasi.

Xisbiga Frp ayaa xukuumadda Norway ka tirsanaa muddo ka badan 6 sano, waxaana ay ka hayeen jagooyin muhiim ah sida wasaaradda maaliyadda oo ay madax u aheyd Siv Jensen.

Si kastaba, dhowr xisbi oo yar-yar ayaa soo dhoweeyay go`aanka frp ay kaga bexeen xukuumadda, waxaana ay sheegeen in maalmo fiican u curteen dalka.

Intii uu xisbiga Frp ku jiray xukuumadda wadaaga ah ayaa waxaa uu dalka kusoo rogay shuruuc badan oo lagu cunaqabateeyay ajnabiga iyo soogalootiga, iyadoona la adkeeyay sharciyay qoxootiga, kan familada la isu keeno, baasaboor qaadashada iwm.