Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed oo sabab u noqday in Cumaan ay kabadiso Soomaaliya iyo Kabtanka oo afka furtay

Soomaaliya oo xalay ka qeyb gashay Koobka ciyaaraha wadamada Jaamacada Carabta ayaa looga badiyay 2-1.Ciyaartoyda ayaa u badneyd kuwa ka yimid Dibadda oo heerar kala duwan ka ciyaara waxaana isku daba riday xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed.

Laba Tababar oo kaliya ayey ku qaateen dalka Jabuuti, xitaa ciyaar ay Jabuuti u baxeen ayaa 1-0 looga badiyay Soomaaliya taa oo aheyd mid tijaabo ah.

Sababaha ugu waa weyn ee looga badiyay waxaa ka hadlay Kabtan xulka Qaranka Soomaaaliyeed waxaana ugu wacan isfaham la’aan ciyaartoyda xulka Qaranka Soomaaliyeed.

Qoraalkan hoose waxaa qoray Kabtanka xulka Qaranka Soomaaliyeed Abdisamad Casenyo

“Oman nagama badin ee xidhiidhka Kubdda Cagta Soomaaliya ayaa naga badiyay,

Aad baan uga niyad jabsanahay natiijada maanta, wiilasha waxey u shaqeeyeen si adag, waxaan u qalanay wax intaas ka badan, maanta guuldaro kalama kulmin Cummaan, waxaan guuldarro kala kulanay xidhiidhka kubadda cagta Soomaaliya (SFF) muddo 18 bilood ah wax tababarro ah ma heysan, labadii maalmood ugu dambeysay ayaan 2-jeer tababar sameynay, sideed nooga rajeyneysaa inaan ula tartano wadamo sida Cummaan oo kale ah, kuwaas oo shan kulan ciyaaray labadii isbuuc ee ugu dambeysay?”