Xildhibaano Ku Xayiran Magaalada Kismaayo Oo Eedeyn Kulul U Jeediyay Dowladda Federaalka

Wali waxa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah maamulka Jubbaland ku xayiran Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamanaka Soomaaliya,Siyaasiyiin horay xil u soo qabtay & qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka oo si hoose loogu dusiyay inaan laga soo qaadi karin magaalada Kismaayo.

Xildhibaan Ganeey oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya lagana soo doortay deegaanada Jubbaland oo ku xayiran magaalada Kismaayo ayaa warbaahinta u sheegay in shirkadaha diyaaradaha lagu wargeliyay ineysan siyaasi ama Xildhibaan ka soo qaadi karin Kismaayo una qaadi karin.

Wuxuu sheegay in diyaaradihii si hoose qaabka Al-Shabaab oo kale loo amray laguna yiri wax siyaasi ah ma soo qaadi kartaan mana sii qaadi kartaan.

” Dhowr jeer ayaa waxaa dhacday in la yiri wax duuli karo malahan,agaasimihii duulista Hawada Soomaaliya ayaa beeniyay misana Wasiir ku-xigeenkii warfaafinta ayaa rumeeyay,hadana waxaa dhacday in diyaaradihii qaab hoose sida Al-Shabaab oo kale loo amray laguna yiri wax siyaasi ah ma soo qaadi kartaan mana sii qaadi kartaan oo Tikidhkii diyaaradda laguu goyn karin oo haddii aan niraahdo na siiya ay nagu leeyihiin nimayhow shaqadeyna miyaad noo aqoonsaneysaan,” ayuu yiri Xildhibaan Ganeey oo ku xayiran magaalada Kismaayo.

Wuxuu sheegay Xildhibaanka in xayiraadda ay sababtay ineysan gudan karin waajibaadkii Qaranka ka saarnaa,islamarkaana ka qeyb geli karin xafladda furitaanka kalafadhiga 6-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo horay xayiraad u saartay shirkadaha duulimaadyada ee tegi jiray magaalada Kismaayo ayaa markii dambe fasaxday inkastoo si hoose shirkadaha diyaarada loogu wargeliyay ineysan qaadi karin siyaasi ama mas’uul Dowladeed oo ku sii jeeda magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah maamulka Jubbaland.