Xildhibaano Fara Badan oo Kasoo Laabtay Xarunta ay Ka Dhaceyso Doorashada+AMISOM oo Arin Lala Yaabo Sameysay

Xildhiibaano ay tiradoodu kor u dhafeyso Tobaneeyo ayaa dib uga soo laabtay xarunta ay ka dhaceyso doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee Efesyooni.

Qaar ka mida xildhibaanada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay u baqeen amnigooda isla kaana ay taasi dhalisay in ay ka soo laabtaan xarunta doorashada madaxweynaha lagu qabanayo.

Dhinaca kalana waxa ay eedeen ay u jeediyeen ciidamada AMISOM oo ay sheegeen inanay ula dhaqmin si wanaagsan isla markaana ay ku dareen dad iyagu ka qeybgelaya doorashada oo ay cadeyeen in aysan aqoon halka ay ka yimadeen.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)