Xildhibaanada mucaaradka oo si yaab leh uga jawaabay hadalkii dowlada kasoo yeeray ee Sheekh Shariif kusocday

Ayadoo maalinimadii shalay warbaahinta Soomaalida siweyn u hadal heysay wafdigii hogaaminayeen madaxweynayaashii hore dalka iyo dhacdadii ka qabsatay garoonka Muqdisho.

Madaxdaas markii kusoo guryo noqday magaalada Muqdisho ayee si kulul Oga hadlayn arintaas gaar ahaan Sheekh Shariif ayaa isticmaalay ereyo  aad u adag waxaana kadhalatay in dowlada durbadii ka jawaabto arintaas.

Wasiirka warfaafinta ee dowlada Soomaaliya ayaa xalay saqdii dhexe arintaas kasheegay warbaahinta dowlada asagoo sheegay in fila waa kunoqotay hadalkii Sheekh balse arintaas waxa goor dhow ka jawaabay xildhibaan Mahad Salaad oo mucaaradka katirsan hoose ka aqriso.

Wasiir waad ku mahadsantahay waraaqda laguu dhiibay ee xalay saqdii dhaxe aad aqrisay lkn dhagxaanta gacmahaaga ku dhooban midkii kuu soo dhiibay adiguna innaga gaarsii!

Madaxweyne Sheekh Shariif isagaa astaan qaran dalkaan u ah, u soo dhibtooday hadana ka naxaya dhabaha qalloocan ee dalkaan iyo dadkaan ay ku wadaan Farmaajo iyo kooxdiisu. Soomaaliyana ceeb ayay ku tahay in ay madax ka ahaadaan dad sidaan u dhaqmaya.

Sheekh Shariif kaligiis maahan ee kulligeen ayaa wada Sheekh Shariif ah. Dowladnimada Soomaaliya ka jirtana waa saami la isku darsaday, cidna uma oggalin in saamigeena siduu rabo ka yeelo. Dalkeena iyo dadkeenana CIZI iyo SHARAF ayaan ku dhex joogaynaa ee Farmaajo innaga gaarsii in aan ogaanay qofka uu yahay!

“War waad nala habowdaye horaan kuu ogaanee wax la huuriyaa dhimay”!

Hon. Mahad Salad