Xildhibaan sheegay in Kismaayo ka bilaabatay shirqool ka dhan ah xubnihii isbedel-doonka

Xildhibaan Cabdi Rashiid Maxamed Xidig oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka kana mid ahaa musharixiintii Isbedel-doonka ayaa shaaciyay in Magalada Kismaayo ay xiligaan ka bilaawdeen shirqoolo lagu ugaarsanaayo Xubnihii isbedel-doonka Jubbaland.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in shirqoolkas sidoo kale lala damacsan yahay,Golaha baarlamaanka ay sameysteen isbedel-doonka,Odayasha dhaqanka iyo Shacabka sida uu hadalka u dhigay.

“Dhamaan isbedel doonka Jubaland Waxaan idiin xaqiijinayaa inay bilaabatay Shirqoolo lagu ugaadhsanayo xubnihii isbedel doonka iyo Qaar kamida Xubnihii la doortay, golaha Baarlamaanka , Odoyaasha dhaqanka iyo Guud ahaan Shacabka isbedel doonka ayuu yiri Xildhibaan Xidig”.

Sidoo kale Xildhibaan Cabdi Rashiid Maxamed Xidig ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in marnaba aysan jiri doonin cid hor istaagi karta  geediga isbedelka Jubaland ha ahaadaan dowlad, koox, isla markaana ay ka guuleysanayaan.

Xildhibaan Cabdi Rashiid Maxamed Xidig ayaa dhawaan Magalada Kismaayo waxaa Madaxweynaha Jubbaland ay ugu doorteen xubno taagersan,waxana uu sheegay in ay Al-Shabaab ka saari doonaan Xarunta rasmiga ah ee Maamulka Jubbaland oo ah Degmada Bu’aale si ay ugu Shaqeeyaan.