Xildhibaan Kenyaan Ah Oo Xilliga Fasaxiisa Sameeya Arin Ku Dayasho Mudan [Daawo Sawirada]

Waxaa inta badan Mas’uuliyiinta Xilka markii ay qabtaan laga dhowraa ama iyaguba ay amar ku bixiyaan in dadka soo aadaya Gurigisa ama Xafiiskiisa Shaqada laga celiyo.

Xog heyn dad ah ayaa Xafiisyada ka shaqeeya oo weydiiya waxa uu ugu socdo Mas’uulka qaarkoodna ciidan ayaa ilaalo u ah oo aad kala kulmeysaa Jir dil hadiiba aan nafta lagu dhaafin.

Hadaba waxaan Arartaasi kaga goleeyahay Warbixin kooban aan ka qoreyno Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Dalka Kenya oo xilliga fasaxa uu ka yahay Shaqada sameeya Arin Lagu farxo.

Mudanahaan oo la yiraahdo  ayaa sheegay in marka uu firaaqada yahay uu ka qeyb noqdo dhismaha guryaha uuna wax lacag ah dadka kaga qaadan Xooggiisana uu ku caawiyo.

Waa Fuundi xilliyada uu shaqada ka nasanayo sidaa awgeed waa Xildhibaan Bulshada deegaankiisa laga qadariyo Milgo iyo sharafna ka dhex sameystay Mujtamaca uu la deggan yahay.

 

Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay