Xildhibaan Katirsan Golaha shacabka BF Oo dacwada kagudbiyay wasiir goodax barre “Arag Sababta”

Mid kamid ah mudanayaasha Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Oo lagu magacaabo Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed, islamarkaana shalay wasiirka waxbarashada uu ku tilmaamay inuu wakiil u yahay Al-Shabaab ayaa waxaa uu sheegay In Xildhibaano badan ay kulan ka yeesheen arintaasi, islamarkaana ay la xisaabtami doonaan Wasiirka.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in Dacwad ay ka gudbin doonaan Wasiirka Waxbarashada Xukuumada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre, isagoona Sheegay in dacwada ay u gudbi doonaan Gudigga Anshaxa ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa waxaa uu tilmaamay in wasiirka waxbarashada Soomaaliya sidan oo kale uu eed u jeediyay xildhibano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here