Xiisad ka taagan Gobolka Mudug iyo Ciidamo is hor fadhiya

Wararka naga soo gaaraya  Bariga gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in xiisad dagaal oo u dhaxeysa Maleeshiyaad kasoo kala jeeda maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa ka taagan degaano dhowr ah oo ku yaalla Bariga gobolk Mudug.

Xiisadaan ayaa ka dhalatay ka dib markii Maleeshiyaadkaasi ay kala dhaceen xoolo.

Qof ka mid ah dadka kunool Bariga gobolka Mudug ayaa Risaala u sheegay in labada dhinac ay wadaan hub aruursi.

Maleeshiyaad xoolo dhaqato ah oo kasoo jeeda Puntland ayaa la sheegay in xoolo  ay ka dhaceen Maleeshiyaad kasoo jeeda Galmudug.

Inta badan dadka xoolo dhaqatada ah ee kunool Bariga gobolka Mudug ayaa waxaa ay ku dagaalamaan xoolo la kala dhacay.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)