Xiisad Dagaal Oo Kataagan Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool Iyo wararkii Ugu Dambeeyay

wararka ka,imaanaya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxaa lagu soowaramayaa In Dagaalo goos goos ah oo u dhexeeya ciidanka Puntland iyo kuwa Somaliland ayaa saaka ka socda deegaankaasi.

Dagaalkaan oo markii hore ay bilaabeen dagaalyahanada xoraynta gobolka Sool ayaa waxaa saaka xilli hore ku biiray ciidamada maamulka Puntland kadib markii ay weerar soo qaadeen ciidamada maamulka Somaliland.

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno deegaanka ayaa waxa ay sheegayaan in ilaa 5 askari oo katirsan dhinacyada dagaalamaya ay ku geeriyoodeen dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay xalay ilaa saaka deegaanka Tukaraq.

Saraakiisha labada dhinac ayaan ilaa hadda wax war ah ka soo saarin dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay deegaanka xilli deegaanka weli laga maqlayo dhawaqa hubka iyo ciidamo ku sii gurmaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here