Xeer Ilaaliyaha “Maxkamadda ICJ waxay go’aan ka gaareysaa in ay Dacwadda qaadi karto”

Xeer ilaaliyaha Qaranka Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Axmed Cali Daahir oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrrimo ku saabsan muranka Badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Waxa uu sheegay 2-da Bisha Febraayo ee sanadkan oo ku beegan maalinta Khamiista ah in loo fariisan doono Dacwadda Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, taas oo looga hadli doono in Maxkamadda Hague ay qaadi karto Dacwadda iyo in kale.

Sidoo kale Dr. Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyaha Qaranka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay Soomaaliya mar walba in ay diyaar u tahay Dacwadda in ay qaado Maxkamadda Hague, maadaama Maxkamad caalami ah ay tahay.

Dowladda Kenya ayaa horey u sheegtay in Maxkamadda Caalamiga ah ee Hague aysan qaadi karin Dacwadda muranka Badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, waxaana ay ku doodeysaa in ay leedahay qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)