Home WARARKA XASAN SHEEKH IYO QOYSKIISA oo maanta dalka ka dhoofay, xagee ku noolam...

XASAN SHEEKH IYO QOYSKIISA oo maanta dalka ka dhoofay, xagee ku noolam doonaan, Daawo Sawirada

1
0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dalka ka dhoofay, iyadoo si heer sare ah loogu sagootiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa u ambabaxay dalka Turkiga, isagoo raacay diyaarada Turkish Airlines duulimaadkeedii maanta oo jimco ah.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Wasiiro, 50 meeyo Xildhibaano ka tirsan labada gole, diblomaasiyiin iyo saraakiil ciidan ayaa ku sagootiyay garoonka diyaaradaha.

Madaxweynihii hore ayaa waxaa horay u sii raacay xaaskiisa, qaar ka mid ah kaliyeyaashiisa iyo Ilaalo kooban, waxaa uu dalka Turkiga joogi doonaa muddo , mana cada goorta uu dalka ku soo laaban doono hase yeeshe degaan uu ku noolaado ayaa dalkaas laga siiyay.

Hadal kooban uu garoonka diyaaradaha Muqdisho ku siiyay Warbaahinta ayuu sheegay in safar ugu baxayo Turkiga, muddo kooban kaddib uu dalka dib ugu soo laaban doono.

Waxaa uu ku baaqay in la iska kaashado sidii loogu gurman lahaa abaaraha, waxaana uu tilmaamay in howsha ugu weyn ee u taala ay tahay sidii dadka abaaraha ay saameeyeen loogu gurman lahaa.

 

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here